Tafaasiil dheeraad ah ayaa kasoo baxaya fal dil ah oo saacadihii lasoo dhaafay wiil dhalinyaro ah loogu gaystay magaalada Muqdisho ee caasimadda Somalia, falkaas oo ay ku kaceen maleeshiyo ka tirsan kooxda Riddada Somalia ee uu madaxa ka yahay murtad Xassan Gurguurte.
Falkan dilka ah ayaa si gaar ah looga soo calaamadiyay isgosyka Ex-control Afgooye ee magaalada Muqdisho, waxaana si bareer ah u gaystay askari ka tirsan maleeshiyada sirdoonka Riddada ee loogu yeero NISA, sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo xog-ogaal ah oo goobta ku sugnaa.
Wiilka dhalinyarada ah oo lagu magacaabi jiray Cabdiweli Cbdilqaadir Macalin Maxamuud, ayaa waxaa si bareer ah u toogtay askari ka tirsan NISA, ehelladiisu waxay sheegeen in wiilkooda uu ahaa wiil da’ yar oo aan waxba galasan, si dulmi ahna loogu dilay isgoyska Ex-control Afgooye ee Muqdisho.
27-kii Aprill ayay ahayd markii askari ka tirsan maleeshiyaadka Riddada uu qof shacab ah ku dilay degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho, kadib markii uu qofka shacabka ah ee la dilay uu ka biya diiday in uu bixiyo lacago baad ah oo uu doonayay in uu ka qaato.