Degmada Qoryooley ee gobolka Sh/hoose, waxaa maanta ka dhacay isku soo bax ay dhigeen dadka shacabka ah, kaasi oo looga soo horjeeday maamulka iyo maleeshiyaadka Riddada ee degmadaasi ku sugan.
Dadka soo bannaan-baxay ayaa ka cabanayay dhac baahsan oo gaysanayaan maleeshiyada murtadiinta ah iyo lacago baad xaddhaaf ah oo uu kusoo rogay maamulka ashahaada la dirirka ah ee degmadaasi ka jira.
Dadka deegaanku waxay inoo xaqiijiyeen in bannaanbaxa maanta dhacay uu yimid kadib markii ay korortay lacagaha baadda ah ee ay murtadiintu ku soo rogeen dadka shacabka ah ee magaaladaasi, taas oo keentay in ganacsiga uu joogsado.
Sawirro iyo muuqaallo lagu faafiyay baraha bulshada ayaa muujinayay dadka mudaaharaadka dhigayay oo taayiro ku gabaya jidadka iyaga oo muujinayay sida ay uga xunyihiin falalka ku kacayaan maleeshiyaadka Riddada.
Intii uu isku soo baxa socday waxay maleeshiyaadka murtadiintu gaysteen falal ka dhan ah dadka rayidka ah, sida ay wariyeen ilo ku sugan degmada Qoryooley.
Inkastoo warar kala duwan kasoo baxayaan khasaaraha dadka shacabka ah kasoo gaaray rassaasta ay fureen maleeshiyada Riddada, haddana waxaa la xaqiijiyay dhaawaca laba qof oo mid ka mid ah uu culus yahay.
Sawirrada la faafiyay waxaa ka mid ah ilmo yar oo ku dhaawacmay rassasta ay fureen maleeshiyada Riddada ee ay ku kala eryayeen dadka isku soo baxa ka dhigayay magaalada Qoryooley.
Maanta waxaa joogsaday dhaqdhaqaaqa ganacsiga magaalada Qoryooley, waxaa sidoo kale istaagay dhaqdhaqaaqa gaadiidka.