Ciidamo ka tirsan mujaahidiinta ka jihaada wilaayada Baay, waxay weerar qorsheysan la beegsadeen maleeshiyaad murtadiin ah oo ka baxay degmada Buurhakabo isla markaana doonayay iney dhibaateeyaan dadka shacabka ah ee ku dhaqan tuulo hoostagta degmada Buurhakaba, waxaana halkaasi khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac lagu gaarsiiyay Riddada.
Inta la xaqiijiyay waxaa weerarkan ka dhacay duleedka degmada Buurhakaba maleeshiyaadka murtadiinta looga dilay ugu yaraan laba askari, kuwaasi oo ay murtadiintu kaga carareen goobta uu weerarku ku qabsaday.
Sidoo kale, waxay faahfaahinno kasoo baxay weerar saacado ka hor mujaahidiintu ku qaadeen saldhig ciidan oo maleeshiyada Riddada ay kaga suganyihiin deegaanka Awdiinle ee hoostaga magaalada Baydhaba, waxaa weerarkaasi dhaawac culus uu kasoo gaaray askari ka tirsan murtadiinta.
Dhanka Mandheerana, waxay ciidamada mujaahidiintu weerar culus oo kamiin ah u dhigeen kolonyo ciidamo saliibiyiin Kenyan ah oo ku socdaalayay agagaarka tuulada Jabbi ee hoostagta degmada Raamo ee gobalka Mandheera ee ku hoos jira gumeysiga saliibiyiinta Kenya, khasaare kala duwan ayaa gaaray kolonyada Kufdaarta Kenya ee weerarka dhabba-galka ah loo dhigay.
Dhanka Sh/hoose, waxay ciidamada mujaahidiintu goordhow weear culus oo dhabba gal ah u dhigeen maleeshiyaad murtadiin ah oo kasoo baxay degmada Jannaale kuna sii jeeday dhanka deegaanka Buufow, dhimashada waa hal askari oo murtad ah, kaasi oo Ridadu meydkiisa uga carareen goobta uu kamiinka dhacay, qori iyo booshkiisana waa laga qaniimeystay.