Dagaal culus oo u dhaxeeyay ciidamada mujaahidiinta iyo maleeshiyaadka murtadiinta oo dhanka hawada sare ay ka taageerayaan diyaaradaha dowladda saliibiyadda ah ee Mareykanka ayaa waxay ka dhacay duleedka magaalada Kismaayo ee Jubbada hoose.
Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa yimid ka gadaal markii kolonyada murtadiinta ee kismaayo kasoo baxay oo Mareykanku taageerayay ay isku dayeen iney soo weeraraan deegaanka Beerxaani oo ka mid ah deegaannada dhaca duleedka Kismaayo, sidoo kalena ka mid ah degaamada lagu maamulo Shareecada Islaamka.
Saraakiil ka tirsan ciidamada mujaahidiinta oo Idaacadda islaamiga ee Al-andalus la hadlay, waxay xaqiijiyeen in dagaalka markii muddo kooban uu socday ay maleeshiyada murtadiintu usoo dagatay diyaarad nooca Helicopter-ka ah, taasi oo goobta ka qaaday maydadka iyo dhaawacyada ciidanka Riddada.
Sida aanu xogta ku helnay ugu dambeyntii maleeshiyaadkii murtadiinta ee duulaanka soo qaaday ee diyaaradaha Mareykanku hawada sare ka taageerayeen ayaa iyagoo jabay oo khasaare iyo guul darrada dagaalka dusha ku sita dib ugu laabtay magaalada Kismaayo.