Diyaaradaha dowladda saliibiyadda ee Maraykanka ayaa dad shacab ah ku dilay deegaan lagu magacaabo Oodweyn oo hoostaga degmada Ceel-garas ee wilaayada islaamiga ah ee Galgaduud, halkaas oo ciidamada saliibiyiintu ay ku dileen 6 qof oo ahaa shacab aan waxba galabsan.
Diyaaradaha saliibiyiinta Maraykanka waxay deegaankaasi ku xasuuqeen 5 caruur ah iyo ayeyadood, kuwaas oo da’doodu u dhaxaysay 7/3 sano jir, diyaaradaha Maraykanka ayaa duqaynta kaddib kasoo degtay goobta ay dadka shacabka ah ku xasuuqeen, waxayna halkaasi ka qaateen maydadka caruurtaasi.
Waxaan helnay magacyada ilmihii iyo waayeelkii ay diyaaradaha Maraykanku ku duqeeyeen deegaanka Oodweyn ee dhaca duleedka degmada Ceel-garas, waxaana ka mid ahaa 1- Cabdiqani Daahir Axmad, oo 7 sano jir ahaa, 2- Cabdi Mahad Daahir Axmad, oo 5 sano jir ahaa, 3- Cabdiraxmaan Daahir Axmad, oo ahaa 4 sano jir, 4- Muscab Daahir Axmad, oo 3 sano jir ah, 5- Ikhlaas Axmad, oo 7 sano jir ahayd iyo hooyo Kaaho Takar Warsame oo ahayd lmahaasi ayeeyadood.