Dowladda saliibiyadda ah ee Mareykanka ayaa qiratay inay askar ka tirsan ciidamadeeda ku sugan Soomaaliya ay ku dhaawacmeen weerar duqayn ah oo ciidamada mujaahidiinta Al-shabaab ay ka fuliyeen saldhigga ciidanka Kenya ee deegaanka Kulbiyow ee wilaayada Jubbooyinka.
Sarkaal ka tirsan wazaaradda gaashaandhigga ee dowladda Maraykanka ayaa xaqiijiyay in dhowr askari oo ka tirsan ciidamadooda duullaanka saliibiga ah ku jooga Soomaaliya ay ku dhaawacmeen weerarkii madaafiicda ahaa ee ay mujaahidiintu maalin ka hor ku qaadeen saldhigga ciidanka Kenya ee deegaanka Kubiyow.
Sarkaalkan Ameerikaanka ah ayaa ka gaabsaday inuu sheego tirada rasmiga ah ee saraakiisha iyo askarta kaga dhaawcantay weerarka mujaahidiinta, balse waxa uu dhanka kale qiray inay jiraan dhaawacyo goobta laga soo daabulay.
Saacadihii lasoo dhaafay ayay ahayd markii ciidamada guutada madaafiicda mujaahidiinta ay weerar xooggan oo madaafiic ah ku qaadeen saldhigga ciidanka Kenya ee deegaanka Kulbiyow, halkaas oo ay ku sugnaayeen ciidamo American ah iyo kuwa Kenyaati ah. waxaana halkaasi Allaah fadligiis ku dhaawacmay 4 askari oo Mareykan ah iyo 9 kale oo Kenyaati ah.