Kullan gaar ah oo ay yeeshen taliyaha ciidamada saliibiyiinta Maraykanka ee Africa General Stephen Townsend iyo madaxa maamulka ashahaado la dirirka ee Puntland murtad Saciid C/llahi Deni ayaa lagu gorfeeyay arrimo badan uu ka mid aha saldhig cusub oo uu maraykanku ka furan doono xeebaha gobolka Bari.
Stephen Townsend waxa uu kullankoodan Deni kala hadlay saldhigga millatari ee uu Maraykanku ka furanaayo deegannada uu ka arrimiyo maamulka ashahaado la dirirka ee Puntland, waxaana uu kullanku ahaa mid qarsoodi ah oo u dhaxeeyay labadaasi hoggaamiye.
Ilo wareedyo kala duwan oo magacyadooda diiday ayaa warbaahinta u sheegay in Maraykanka uu saldhig ciidan ka furan doono meel u dhow madaarka diyaardaha magaalo xeebeedka Boosaso ee gobolka Bari, halkaas oo uu Maraykanku kasii wadi doono xasuuqa ay diyaaradahoodu u geystaan shacabka soomaaliyeed.
Sidoo kale taliyaha ciidamada Maraykanka ee africa ee loo yaqaan africom ayaa madaxa maamulka ashahaado la dirirka ah ee Puntland kala hadlay xoojinta dagaalka saliibiga ah ee ay kula jiraan Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab.
Socdaalka taliyaha ciidamada Maraykanka qaaradda Africa ee loo yaqaan Africom ayaa kusoo beegamaya xilli 13-kii February 2020-ka general Stephen Townsend uu safar kedis ah ku tagay magaalada Boosaaso halkaasna uu kullan kula qaatay murtad Deni, Waxaana kulankani dambe uu ahaa kan lagu go’aamiyay in Maraykanka uu saldhig millatari ka dhisanayo Boosaaso.
Calamada.com