Taliska ciidamada Maraykanka ee qaaradda Africa ee loo yaqaan Africom, ayaa walaac xooggan ka muujiyay sida ay noqon doonto xaaladda kooxda Riddada Soomaaliya markii ay dalka isaga baxaan ciidamada kuffaarta Afrikaanta ee duullaanka saliibiga ah ku jooga Soomaaliya.
General Michael Langley oo ah taliyaha ciidamada saliibiyiinta Maraykanka ee Africa, ayaa sheegay in Mujaahidiinta Al-shabaab ay weeraro laxaad leh ku ekeynayn doonaan magaalooyin ay ka mid tahay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, kaddib bixitaanka ciidamada ka socda isbahaysiga saliibiga ah ee Atmis.
“Saameyn wayn ayay ku yeelan kartaa bixitaanka ciidamaa Midowga Africa amniga gudaha ee Soomaaliya, waxaaana Al-Shabaab ay weeraro ka fulin karaan Muqdisho iyo meelo kale”, ayuu yiri taliyaha ciidamada saliibiyiinta Africom.
Isaga oo sii hadlayay ayaa waxa uu sheegay in weerarada xooggooda dhici karaan markii ay waddanka isaga baxaan ciidamada ATMIS, firaaqa amnina uu keeni doono weeraro lagu beegsado ciidamada murtadiinta ee lagu wareejiyay goobaha ay ka baxaan ciidanka kuffaarta Afrikaanta.
“Al-Shabaab waxa ay dooneysaa in ay ka faa’ideysato wax kasta oo ka dhasha firaaqa amni ee Soomaaliya iyaga oo weerraro ku dhibaateynaya ciidamada amniga Soomaaliya”. ayuu yiri sarkaalkan Ameerikaanka ah.
Hadalka kasoo baxay taliska ciidamada kuffaarta Maraykanka ee (Africom), ayaa kusoo beegmaya xilli toddobaadkii tagay uu xarunta Xalane kula kulmay General Michael Langley madaxa kooxda Riddada Soomaaliya, murtad Xassan Sheekh Maxamuud, kolkaas oo uu ka dhagaystay warbixin ku saabsan dagaalka ay kula jiraan mujaahidiinta isaga oo ka digay inay mujaahidiintu dib ula wareegi doonaan magaalooyinka marka uu soo idlaado bixitaanka ATMIS.