Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay in xabsi dhowr sano ah ay ku xukuntay nin u dhashay dalkaasi oo basaas u ahaa sirdoonka dowladda Shiinaha, oo ah dowlad uu xifaaltan adag kala dhaxeeyo.
Wazaaradda waxay ugu yeeraan cadaalada ayaa ku dhawaaqday in xukun soconaya muddo 27 bilood ah lagu xukumay askari ka tirsan ciidamada bada ee Mareykanka, kaddib markii lagu helay in uu basaas u ahaa Shiinaha.
Warbixin ay soo saartay ayay wazaaraddani ku sheegtay in Wening Zhao oo (26 jir) uu ka tirsanaa ciidan ka howlgala saldhiga ciidamada badda ee degmada Ventura ee dhacda waqooyi galbeed ee Los Angeles, waxayna intaas ku dartay in askarigaas bishii Agoosto lagu xiray gobolka California.
Warbixinta wazaaradda ayaa intaas ku dartay in ninkan Ameerikaanka ah uu qirtay dambiga loo haysto oo ah inuu basaas u ahaa sirdoonka Shiinaha, kadib waydiimo la hor dhigay bishii Oktoobar ee lasoo dhaafay, waxayna sheegtay in uu xogo xasaasi ah ka iibiyay sarkaal ka tirsan sirdoonka dowladda uu fadhigeedu yahay Biijiin.
Qoraalka kasoo baxay wazaaradda cadaallada ee dowladda Maraykanka ayaa sidoo kale lagu sheegay, in marka laga soo tago xukunka xabsiga 2 sano iyo saddexda bilood ee lagu xukumay askariga, sidoo kale lagu ganaaxay lacag dhan 5,500 oo Dollar.