Saacadihii lasoo dhaafay waxaa qeybo ka mid ah gobalka Nangahar lagu soo riday mid ka mid ah diyaaradaha dagaalka ee dowlada Nasaarada Mareykanka.
Ciidamada Mujaahidiinta Imaarada Islaamiga Afghanistan ayaa gantaalada diyaaradaha la helay diyaarad dagaal oo ay leedahay dowlada Mareykanka taasi oo xilligii lasoo ridayay dooneysay iney duqeyso deegaanka Tash-haljazi oo ah deegaan dhaca duleedka degmada Sabiin-gar oo ka tirsan gobalka Nangahaar.
Diyaaradan oo ah noocyada Elecobtar-ka waxaa xilligii lasoo ridayay la socday tiro askar oo ah kuwa Nasaarada Mareykanka,iyadoona la xaqiijiyay in diyaarada iyo askartii lasocogay gabi ahaan ay basbeeleen.
Ciidamada Difaaca Cirka Imaarada Islamiga Afghanistan ayaa dhowr jeer ku guuleystay iney dhulka soo dhigaan dhowr diyaaradood oo ah nooyada kala duwan ee dagaalka ay u adeegsato dowlada Mareykanka.
Calamada.com