War kasoo baxay Waaxda Arimaha dibadda Dowladda Saliibiyadda Mareykanka u qaabilsan la talinta dhanka socdaalka ayaa markale looga digay dadka Saliibiyiinta Mareykanka ah iney u safraan dalka Somalia.
Qoraalka kasoo baxay dowladda Mareykanka ayaa lagu xusay in Somaliya xaalad adag ay ka jirta islamarkaana aan la isku haleynkarin Amaanka Somaliya waxeyna gabi ahaan dadkooda uga digeen iney u safraan ama ay dagaan qeybo ka mid ah dalka Somalia.
Dowladda Saliibiyadda Mareykanka ayaa walaac xoogan ka muujisay howlgalada kala duwan ee ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ay ka fuliyaan magaalada Muqdisho iyo goobaha kale ee shisheeyaha duulaanka kaga suganyihiin Somalia.
Calaacalka xoogan ee kasoo yeeray dowladda Mareykanka ayaa kusoo aadaya xilli dowladdaasi ay sheegtay in Safaaraddeeda ay dib uga furatay magaalada Muqdisho.
Muuse Malaay.
Calamada Online.
Mogadishu, Somalia.