Qoraal kasoo baxay safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa digniin loogu diray dadka American-ka ah ee doonaya in ay usafraan magaalada Muqdisho
Dowladda Mareykanka waxay sheegtay in ay ka cabsi qabto halis ay galaan muwaadiniinta American-ka ah, cabsida ugu daran ayuu Mareykanku ka muujinayaan Muqdisho oo ay joogta ka yihiin qaraxyada iyo dilalka qorshaysan.
Digniintan ka timid xukuumadda Washington ayaa kusoo aadaysa xilli berri ay Mqudisho ka dhacayaan dibad baxyo loogasoo horjeedo dowladda Farmaajo ee waqtigeedu idlaaday.