Jaaliyadaha Muslimiinta Wadanka Holland ee qaaradda Yurub ayaa ku dhawaaqay in ay xirayaan qaar katirsan Masaajidda ay ku cibaadaystaan sababa la xiriira cabsi laga qabo weerar hubeysan.
Imaamyada Masaajidda ayaa sheegay in ay sare u kaceen cabsida laga qabo in kooxo Masiixiyiin Xagjir ah ay weeraro dhiig ku daato ku qaadaan masaajidda xilliyada Muslimiintu ay tukanayaan salaadaha Faradka ah.
Khaliil Aayat Bilaal oo u hadlay Imaamyada Masaajidda ayaa sheegay in ay xerayaan illaa iyo 5 Masjid oo ku kala yaal afarta magaalo ee ugu waaweyn wadanka Holland kadib markii ay sare u kaceen khudbadaha karaahiyada xambaarsan oo ay jeedinayaan xagjirayaasha Nasaarada kuwaasi oo ku baaqay in muslimiinta la weeraro.
Booliska Holland ayaa sheegay in ay adkeynayaan ammaanka goobaha ay ku cibaadaystaan muslimiinta laga tirada badanyahay.
Hoggaamiyaasha muslimiinta Holland ayaa dowladda ka codsaday in Kaamirooyinka muraaqabada ay ku xirto Masaajidda iyo maraakizta muslimiinta si ay gacan uga geystaan sugidda ammaanka.
Weerar maalmo ka hor ka dhacay wadanka Canada waxaa ku dhintay 5 qof muslimiin ah oo xilligaasi tukanayay salaad farad ah, kooxaha cunsuriyiinta ee weerarka Canada Fuliyay kuwa ku fikir ah waxay kunool yihiin Holland waana midda cabsida ku beertay kumanaan muslimiin ah.
ÙŒ يا الله Ùˆ سبØان رب السموات السبع Ùˆ الاراضين , مالكم ايها الناس ØŸ امتنا Ùˆ ديننا هو الشر٠و العزةلله قال تغالي (ايبتعون لهم العوة Ùان العوة لله جميعا ) walaalaha muslminta ee holland waxan oran laha allah subxanahu watacala uga cabsada udhinta sharafka iyo difaca kalamittu towxida لااله الاالله waxad hesatan fursad u horseeda musliminta kale qudwah xassanah waa xiligi musliminta cabadatu sheydan casrigodi wa dhamaday allahuma yaa muqalibal qulub thabit qulubana cala diinig