Dowladda Riddada Masar oo muwaadiniinteeda ugu baaqdey in aysan tegin dhulka uu ka taliyo maamulka dabadhilifka ah ee Somaliland.
Xukuumadda Masar ayaa war ka soo saartay u safridda dhulka uu ka taliyo maamulka ridada Somaliland. Qaahira ayaa muwaadiniinteeda uga digtey in ay u safraan Somaliland maaddaama ay xaddidan tahay awoodda halkaas ku leeyihiin.
Waxa kale oo Masar ay tibaaxdey in muwaadiniinteedu keliya ay raacaan tallaabooyinka iyo tilmaamaha kaga imaanaya Xukuumadda ridada ee fadhigeedu yahay Muqdisho.
Tan ayaa imanaysa kadib markii maamulka Riddada Somaliland uu dhawaan soo saarey amar lagu xirayo Maktabadda Dhaqanka ee Masaarida, taas oo ku taalley Hargeysa. Somaliland ayaa sidoo kale u qabatey shaqaalaha Masaaridu in ay deegaannadeeda kaga baxaan 72 saacadood.
Dhanka kale Itoobiya ayaa hub badan gelisay maamulka Riddada ah ee Puntland oo diiddan hab maamulka Xukuumadda Xasan Sheekh.
Sidoo kale waxa khilaaf ka dhex oogan yahay kooxda Riddada iyo maamulka Koonfur-galbeed, kaas oo isagana salka ku haya bixitaanka ciidaka saliibiyiinta Itoobiya iyo imaanshaha ciidanka Riddada Masar.