Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax aad u xooggan oo maanta gelinkii dambe ka dhacay degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho.
Qaraxa oo haleelay gaari nuuca raaxada ah oo uu la socday mas’uul katirsan dowladda Federaalka ayaa sababay dhimashada mas’uulkii bartilmaameedka ahaa sida ay sheegeen dadka deegaanka.
War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayay ku sheegatay mas’uuliyadda weerarkan “Mujaahidiinta ayaa qarax ka dhacay degmada Waaberi ku dilay agaasimihii wasaaradda Boostada iyo isgaarsiinta Kooxda Ridada oo lagu magacaabi jiray Saacid Xuuki” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al Shabaab.