Ciidamada mujaahidiintu waxay howlgal qarax ay ka fuliyeen gudaha degmada Baardheere ee wilaayada Gedo waxay ku beegsadeen agaasimaha beeraha maamulka Riddada Gedo, kaas oo lagu magacaabo Saacid Abshir Cartan, waxaa la xaqiijiyay in murtadkaasi uu ku dhaawacmay qaraxaasi.
Dhanka kale inta udhaxeysa magaalada Muqdisho iyo Balcad waxaa galabta ku rogmaday gaari Cabdibile ah oo ay la socdeen maleyshiyaad ka tirsan murtadiinta, gaarigan rogmaday waxaa lahaa guddoomiya Riddada ugu magacaaban degmada Balcad murtad Qaasim Furdug.
Inta la xaqiijiyay waxaa shilkaasi ku dhintay toddobo askari oo murtadiin ah halka ay dhaawacyo ku noqdeen shan kale, murtadiinta ku dhimatay waxaa ka mid ahaa sarkaal ciidan oo darajadiisu ahayd kabtan, kaas oo la oran jiray Cali Jeelle.