Shil diyaaradeed ayaa lasoo wariyay inay galeen masuuliyiin ka tirsan dowladda kaafiradda ah ee Kenya, kaas oo ka dhacay ismaamulka Baringo.
Diyaaradda shilkan gashay ayaa lasoo wariyay inay ahayd nooca sida qumaatiga u kaca, diyaaradda waxaa la socday wasiirka wasaaradda waddooyinka, gaadiidka iyo howlaha guud, Kipchumba Murkomen iyo guddoomiyaha guddiga agaasimayaasha maamulka garoomada diyaaradaha ee (KAA), Caleb Kipkemei.
Shilka ayaa dhacay xilli diyaaradu isku dayaysay inay ka duusho garoonka diyaaradeed, waxaa lasoo wariyay inuusan jirin khasaare nafeed wallow uu jiro burbur xooggan oo soo gaaray diyaaradda.