Ilo wareedyo ayaa sheegaya in ujeedkan shirkan laga leeyahay uu yahay in Baasaboor mid ah loo sameeyo Soomaaliya iyo Itoobiya waana qorshe uu toban sano ka hor soo hindisay Males Zenawi R/wasaarihii hore ee Itoobiya.
Jamaaludiin Mustafa oo ah Safiirka dowladda Itoobiya uqaabilsan Soomaaliya ayaa shirka daah furay wuxuuna sheegay in dowladaha ku bahoobay Urur goboleedka IGAD ay sameyn doonaan sharci usamaaxaya dadweynaha geeska Afrika in baasaboor la’aan ay isugu kala gooshaan.
Mas’uuliyiin ka socda dowladda Itoobiya oo huwan shaatiga Ururka IGAD ayaa dadaal ugu jira sidii ay wakiillada ‘Beesha Caalamka’ uga dhaadhicin lahaayeen in Soomaaliya iyo Itoobiya loo sameeyo hal baasaboor taas oo ka dhigan in madax banaanida dalka lagu wareejiyo Itoobiya arrintaas oo diblumaasiyiintu ku tilmaameen gumeysi dadban oo shacabka Soomaaliyeed lagelinayo.
Dowladda Federaalka ayaa dhankeeda qirtay in shir ku saabsan socdaalka uu Ururka IGAD Uga furmay Xerada Xalane balse si kale ayay u dhigtay oo agaasimaha waaxda Socdaalka ayaa warbaahinta u sheegay in shirkaan uu daah fur u yahay qorshe lagu baadi goobayo sidii Baasboor mid ah loogu sameyn lahaa shucuubta wadamada Bariga Afrika.
Abuukar Carmaan oo horay usoo noqday Safiirka dowladda Federaalka ee dalka Mareykanka ayaa bartiisa Twitter-ka ku faafiyay in shirka ka socda Muqdisho uu yahay mid lagu xaqiijinayo damacii Males Zenaawi R/wasaarihii hore ee Itoobiya, wuxuuna tusaale usoo qaatay in waxa hadda socday uu hunqaacay Xuseen Ceydiid sanaddii 2007 xilligaas oo uu sheegay in wadamada Itoobiya iyo Soomaaliya loo sameynayo Hal Baasaboor
Aqoonyahannada ayaa sheegaya in Ururka IGAD uu yahay dallad lagu fuliyo ajandayaasha dowladaha Itoobiya iyo Kenya oo go’aanno latabaan karo aysan ku laheyn dowladaha kale, inta badan qaraarada Ururkaas kasoo baxay waa kuwa lagu qabsaday dhulka Soomaaliya islamarkaana lagu sharciyeeyay duullaankii ciidamada gumeysiga ay kusoo qaadeen dalka.
Cabdullaahi Sanbaloolshe oo horay u ahaa taliyaha Nabad sugidda DF-ka ayaa qiray in dowladda Federaalka aysan ogoleyn in cid cadawg ku ah Itoobiya ay ku nabad gasho Soomaaliya isagoo carrab dhabay in halgamaa Qalbi dhagax uu ahaa Nin Argagaxiso ah.