Waxa isa soo taraya khasaaraha ka dhashay weerarkii xoogganaa ee ay Mujaahidiintu saaka kula jarmaadeen saldhigga maleeshiyaadka Riddada ee degmada Galcad ee wilaayada Galgaduud, halkaas oo si ba’an oo aan horay loo arag loogu xasuuqay maleeshiyaadka Baangaraafta Riddada ee uu soo carbiyay Maraykanka.
Macluumaadkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in gudaha xerada ay weli dhex daadsanyihiin maydadka 159 xubnood oo isugu jira saraakiil muhiim u ahaa Maraykanka iyo askar kale oo ka mid ahaa maleeshiyaadka Riddada Danab, waxaana saraakiishaasi ka mid ahaa murtad ashahaada la dirir ah oo la oran jiray Xassan Tuurre oo ahaa taliye ku xigeenkii maleeshiyaadka Baangaraaftra Riddada ee uu soo tabobaray Maraykanka.
Murtadkan ayaa loo haystay dambiyo uu ka galay wilaayaadka Hiiraan, Sh/dhexe iyo Galgaduud isagoo ka mid ahaa saraakiishii uu Maraykanku usoo wakiishay duulalanka ka dhanka ah shareecada islaamka ee lagu soo qaaday wilaayaadka islaamiga ah ee dhaca bartamaha Soomaaliya, balse Allaah fadligii uu maanta kusoo dhacay gacanta Mujaahidiinta, halkaas na uu Allaah kusoo afjaro nolashiisa.
Halkan ka dhagayso macluumaadkii ugu dambeeyay howlgalkii Galcad iyo taariikhda madow ee Tuurre.