Steve wood waa askari Ameerikaan ah oo isaga kala gudbay saldhigyada milliteriga Maraykanku ku leeyahay gudaha wadankaas iyo caalamka, Muxamadu Walad Salaaxina waa qof dhalinyaro Murutaaniyaan ah oo degan xaafadda Toojnin oo kamid ah xaafadaha ugu liita ee magaalada Nuwaakshoodh.
11-kii Novembar sanadkii 2001, cutubyo katirsan ciidamada amaanka ee Murutaaniya ayaa soo gaaray guriga uu deganaa Muxamadu Walad Salaaxi, waxayna ka codsadeen inuu u raaco safar gaaban oo dhowr saacadood qaadanaya.
Maalintaas waxay ku aadneyd 4-ta bisha Ramadaan, wuxuuna markaas Muxamadu kasoo laabtay madaxtooyada dowladda, halkaas oo uu ka ahaa Injineer habeeya warbixinnada, madaxweynihii xilligaas ee Murutaaniyana aad ayuu uga heli jiray qaab maamulkiisa.
Nasiib darro Muxamadu dib uma soo laaban, dowladda Murutaaniyana waxay u gacan gelisay Maraykanka, waxaana u billowday nolol cusub oo ka kooban argagax, tacdiib iyo jirdil joogta ah, isagoona isaga kala gudbay Urdun, Afqaanistaan, illaa ugu dambeyn uu saldhigtay jaxiimada Guwantanamo.
Sannooyin xiriir ah ayay ciidamada Maraykanku tacdibiinayaan Maxamadu, wuxuuna jirkiisa la qabsaday garaacista iyo darbeynta, ciidamada ilaalada xabsigana waxay isku mada daalin jireen inay ka mamnuucaan hurdada, kuna qeyliyaan, sidoo kalena ku jees jeesaan diinta Islaamka, iyagoo mararka qaar ugu hanjabaya iney soo qafaali doonaan hooyadii, halkannaa ku kufsan doonaan.
Sanado kahor ayuu Muxamadu Walad Salaaxi baahiyay kitaab yar oo uu kaga hadlay xusuustiisii Guwantanamo, kaas oo sameeyay hadal heyn ballaaran oo gudaha iyo caalamkaba ah, inkastoo ka hor inta aanu soo bixin kitaabka ay soo tifaftirtay dowladda Murutaaniya, xaqiiqana ay tahay in waxyaabo badan laga tiray.
Wuxuu ciwaan uga dhigay kitaabkiisa “Nolol maalmeedkii Guwantanamo”, isagoona ku qoray luuqadda Englishka oo uu soo bartay intii uu ku xirnaa Guwantanamo.
Ugu yaraan 20 wadan ayuu kitaabkan ku faafay, waxaana uu si qota dheer diiradda u saarayaa dhibaatada qabsatay wiilkan dhalinyarada ah oo ay dhiibtay dowladda Murutaaniyah, Masaarida, Urdun iyo Maraykankuna si xun u tacdiibiyeen.
Wuxuu gudaha buugan uu Muxamdu Walad ku tamaninayaa inuu laqaato fadhi aan tacdiibin jirin kuwii sanadaha badan xiray, dhabtiina way u suuragashey, wuxuuna maalmo kahor saxaraha Murutaaniyah kula kulmay Steve Wood oo kamid ahaa ilaalada xabsiga Guwantanamo.
Saxaraha waasac ah ee aysan jirin derbi iyo siligyo ku wareegsan ayay labadan ruux oo aad u kala fogaa ku kulmeen, halkaas ayayna si wadajir ah ugu afureen.
Markii Muxamadu Walad la xirayay, wuxuu Steve Wood ku sugnaa saldhig Maraykanku ku leeyihiin Masar, ugu dambeyna waxaa Steve lagu wargeliyay in loo bedelayo Guwantanamo si uu waardiye uga noqdo qolka 760-aad oo Maraykanku sheegeen iney ku xiranyihiin dad muhiim ah.
Qof la dhashey Muxamadu Walad ayaa sheegaya in walaalkii iyo Steve Wood ay halkaas ku dhexmartay sheeko gaaban, mid welibana uu isku dayay inuu kan kale soo jiito, oo uu ku qanciyo diintiisa, balse ludhfiga Alle ayaa hareeyay waardiyihii gaalka ahaa, halkaas ayuuna ku islaamay.
Steve wuxuu sheegayaa in sababta ugu weyn ee ku riixday inuu qaato diinta Islaamka ay ahayd markii uu arkay sida maxaabiista iyagoo ku jira xaalad adag hadana ugu dheganyihiin diintooda, una ilaashanayaan akhlaaqdooda.
Muxamed Waladu Salaaxi ayaa bartiisa Twitterka wuxuu ku baahiyay sawirrada isaga iyo Steve Wood oo wada afuraya, wuxuuna yiri “ aniga iyo waardiyaha jeelkii aan ku xirnaa Steve Wood oo si wadajir ah u afureyna”.
Waa qiso cajiib ah iyo sheeko dhab ah oo muujineysa miraha sabarka, iyo sida shaqsiga muslimka ah dhibaato kasta oo uu ku jiro hadana uu awood ugu leeyahay inuu faafiyo diinta Islaamka.