Maxkamadda wilaayada islaamiga ah ee shabeellaha dhexe ayaa fulisay xukun ka mida xuduuda Allaah kaas oo lagu fuliyay nin horay u gaystay fal tuugannimo ah.
Xukunka gacan goynta ah waxa uu shalay ka dhacay deegaan hoos taga degmada Aada Yabaal ee shabeellaha dhexe, waxaana uu ka dambeeyay ka dib markii dadka falka xatooyada lagula kacay ay maxkamadda islaamiga ah usoo dacwad tageen si shareecada islaamka loogu mariyo eedaysanaha.
Mukhtaar Muxiyadiin Max’ed oo ah ninka eedaysanaha ee lagu fuliyay xukunka ayaa horay u xday aduun lacageed oo dhan 2600 oo shilin Soomaali iyo Toorey, waxaana ay maxkamadda islaamiga ah ku riday xukun xaddu Sariqah ama gacan goyn ah.
Fagaare kuyaal deegaanka uu xadku ka dhacayay waxaa soo xaadiray dadwayne aad u fara badan si ay u daawadaan fulinta xadkaasi ka midka ah xaduuda Allaah.
Dhawaan ayay ahayd markii deegaan ka tirsan wilaayada shabeellaha hoose uu ka dhacay xukun xad qisaas dil ah kaas oo lagu fuliyay nin horay u dilay qof kale.
Calamada.com
HambalYo