Maxkamadda WI Bakool waxay xukun xaddu Riddo dil ah ku fulisay askari ka tirsanaa maleeshiyaadka murtadiinta oo ay gacanta kusoo dhigeen ciidamada Mujaahidiinta ee ka howlgala wilaayada Bakool.
Mid ka mid ah qudaadda maxkamada wilaayada islaamiga ah ee Bakool ayaa goob fagaare ah ka sheegay in askariga xukunka xaddu Riddada dilka ah lagu fuliyay oo lagu magacaabi jiray Isxaaq Shiikh Maxamed Isxaaq uu ka mid ahaa maleeshiyaad cusub oo uu maamulka Riddadu u diyaariyay degmada Waajid.
Ciidamada Mujaahidiinta ayaa gacanta kusoo dhigay askarigan isagoo si dhuumaalaysi ah kusoo galay deegaannada WI Bakool waxaana ugu dambayn xukunka lagula fuliyay fagaare kuyaal degmada Tiyeeglow ee wilaayada Bakool halkaas oo ay soo xaadireen boqollaal muslimiin ah.