Max’med Cabdi Yuusuf oo horay usoo noqday R/wasaare iyo Xildhibaan ayaa madaxda dowladda ku tilmaamay Jawaasiis u shaqeeya cadawga Umadda oo Itoobiya kamid tahay, wuxuuna shacabka Soomaaliyeedka ugu baaqay kacdoon xurnima doon ah.
Isagoo khudbad ka Jeediyay munaasabad ka dhacday Hotelka SYL ee magaalada Muqdisho oo Xisbi siyaasadeed lagu furayay ayuu wasiirro iyo xildhibaanno ka hor caddeeyay in dalku gumeysi kujiro.
“Madaxweyne magaciisa waan wadanaa,wasiirro iyo xildhibaan balse magacyadaas awoodoodi maheynno gacanteyna waxba kuma jiraan, shisheeye iyo Jawaasiis Ey ah ayaa dalkeenii faraha kula jira” ayuu yiri Max’med Cabdi Yuusuf.
R/wasaarihii hore ee dowladdii Cabdi Qaasim ahaana xildhibaan katirsanaa dowladihii shariif sheikh Axmed iyo Xasan Gurguurte ayaa ku baaqay in lala dagaallamo cadawga shisheeye ee dalka gacanta ku dhigay “Jawaasiista iyo khuwanada shisheeyaha u shaqeeya in lala dagaallo oo lalaayo weeye” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.
Hadalkan kasoo yeeray Ex.xildhibaan Max’med Cabdi Yuusuf ayaa imaanaya xilli Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ay muddo kabadan 10 sanadood ay dalka Soomaaliya kula dagaallamayso kumanaan ciidamo shisheeye ah oo kaashanaya maleeshiyaad dabadhilifyo soomaali ah.