Iyadoo waayadii dambe laga digayay barakaca dadka Itoobiyanka ee ka baxsanaya xaaladaha dagaal ee ka taagan gobollada waqooyiga iyo bartamaha waddanka, ayaa dhinaca kale lasoo sheegayaa in maydadka soddomeeyo Itoobiyaan ah laga helay magaalada caasimadda u ah waddanka Zambia.
Warbaahinta Zambia ayaa sheegtay in maydadkan soddomeeyada Itoobiyaanka ah laga soo saaray xaafad ka tirsan magaalada caasimadda ah ee Lusaka, kuwaas oo ka mid ahaa Tahriibeyaal Itoobiyaan ah oo kasoo cararay waddanka Itoobiya.
Ilo wareedyo ku sugan waddankaasi ayaa soo sheegay in dadka tahriibeyaasha ah ee maydadkooda la helay ay kusii jeedeen waddanka Koonfur Afrika, lamana sheegin sababta rasmiga ah ee keentay dhimashadooda, wallow wararka qaar ay sheegayaan in dadkaasi ay macluul darteed u dhinteen.
Tan iyo markii uu billowday gulufka millatari ee ay dowladda Itoobiya ku qaaday gobolka waqooyiga Itoobiya dhaca ee Tigray, waxaa sii kordhayay barakacayaasha Itoobiyaanka ah ee ku dhamaanaya waddamada ay jaarka yihiin.
Barakaca ugu badan ayaa hadda ka socdo gobolka Oromia oo ay xasuuq ba’an ka gaysteen maleeshiyaadka axmaarada ee loo yaqaan Faano, halkaas oo sida lasoo sheegay ay ka barakaceen Nus milyan Oromiyaan ah.