Magaalada Wajeer oo ka mida magaalooyinka muslimiinta NFD ee ay Kenya xoogga ku haysato waxaa laga helay maydka qof Somaali ah, oo ka mid ahaa ganacsatada magaaladaas, sida ay soo sheegeen dad goobjoogeyaal ah.
Ganacsadahan Soomaaliyeed ayaa laga helay biyo mareen kuyaal magaalada Wajer, ilo deegaanka ah ayaana soo sheegay in ninkan oo da’diisa lagu qiyaasay 40 jir uu dukaan ganacsi ku lahaa magaalada.
Lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysay geeridiisa, wallow goobjoogeyaal ku sugan goobta oo la hadlay warbaahinta ay sheegeen inay soo saareen maydka qofka Soomaaliga ah, iyagoo dhanka kale ka warbixiyay kiisaska kuwan la mid ah ee ka dhaca magaalada.
Ma ahan markii ugu horraysay oo maydka qof Soomaali ah laga soo saaro biyaha magaalada Wajeer, waxayna ku biiraysaa kiisas badan oo dhimasho ah oo laga soo diiwaan galiyay biyo mareenkan kuyaal duleedka Wajeer.