Wararka ka imaanaya magaalada Dublin ee caasimadda waddanka Ireland ayaa sheegaya in wiil Soomaali lagu dilay gudaha magaaladaasi, kadibna la qariyay maydkiisa.
Booliska dowladda Ireland ayaa sheegay in ay heleen maydka Muxammad Yaasiin oo ah 22 jir, waxaana maydkii laga helay roog hoostiisa.
Ruux waddada marayay ayaa la sheegay in uu arkay maydka wiilkaan Soomaaliga oo ka maqnaa qoyskiisa islamarkaana la baadi goobayay.
Mudooyinkii danbe waxaa waddamada reer galbeedka kusii kordhaayay dilalka loo gaysanyo Soomaalida qaxootiga ku ah waddankaas, mana jirto cid dabgal ku samayso jariimooyinka loo gaysto dadka soo galootiga ah.