Kooxda dembi-baarayaasha Kenya ayaa sheegay inay baaritaan ku hayaan dhacdo laga soo tabiyay magaalada Kitale ee dhacda galbeedka waddanka Kenya, halkaas oo laga helay maydka haweenay sarkaalad Kenyaan ah.
Meydkan sarkaaladdan oo haysatay maamulka xabsiga haweenka ayaa la sheegay in Axaddii shalay laga helay guri kuyaal Tumaini Estate, oo hoostaga Kitale, sida ay booliisku sheegeen.
Linda Machuma oo ah sarkaaladda kenyaanka ee maydkeeda la helay, waxay dadka deriska ah soo sheegeen in maydkeeda lasoo saaray, kaddib markii gurigeeda laga dareemay ur xooggan.
Booliisku waxay warbaahinta maxalliga ah u sheegeen in Wafuula, oo 28 sano jir ahayd markii cidi ugu dambeysay lagu arkay gurigeeda 1-dii Febraayo, ka hor inta aan meydkeeda la helin Axaddii shalay, waxaana la la’aa muddo saddex maalmood ah.
Boolisku waxay intaas ku dareen in haweenaydan ay iyadu is dishay, dilkeedana ay u adeegsatay xarig koronto, waxay sheegeen in aysan ka tagin wax warqad ah oo ay ku sheegayso sababta ay isku dishay, maadaama dadka naftooda ku qamaara ee ka mid ah saraakiisha ciidanka Kenya iyo askartoodaba ay ka tagaan warqado ay ku tilmaamayaan sababta ay isku dileen.
Dhinaca kale magaalada Kikuyu ee ka tirsan ismaamulka Kiambu, waxaa laga soo wariyay dhacdo kale oo tan la mida, kaddib markii haweeney 27 sano jir ah ay isku dishay gurigeeda.
Meydka haweeneydan ayaa la helay isagoo ka laadlaada daaqadda guriga, waxaana la arkay dhaawac haweenaydan ay iska gaarsiisay qoorta, ka hor inta aysan isdilin ayayna isku dhufatay mindi sida ay muujinayaan sawirro laga helay guriga iyo dhiig ka muuqdo mindida.
Kiisaska isdilka dadka Keenyaanka ah ayaa mudooyinkii u dambeeyay si wayn usoo badanayay, booliisku waxay sheegeen inay maalin walba diiwaan geliyaan ilaa 3 kiis oo is-dil ah, taas oo argagax ku abuurtay dadka Kenyaanka ah, waxayna kiisaskaan isugu jiraan ciidamada Kenyaanka ah oo u badan dadka nafta is dhaafinaya iyo dad rayid ah.