Maydka xildhibaan ka tirsan baarlamaanka daaquudka ah ee ismaamulka Wajeer, dhulka NFD ee ku hoos jira gumeysiga dowladda saliibiyadda Kenya, ayaa la xaqiijiyay in laga helay meel u dhow xero ciidan oo ay leeyihiin ciidamada millatariga Kenya.
Xildhibaankan oo la oran jiray Yussuf Xuseen Axmed, ayaa ka tirsanaa baarlamaanka dowladda Kenya ee ismaamulka Wajeer, waxaana bishii lasoo dhaafay ee Septembar laga afduubtay Nairobi oo ah caasimadda Kenya.
Ilo wareedyo maxalli ah ayaa soo sheegay in maydka xildhibaankaasi oo si jirdil iyo gubashooyin ay ka muuqdaan laga helay harada Yahud oo u dhow saldhig millatari oo ciidamada Kenya ay ku leeyihiin meel u dhow magaalada Wajeer ee dhulka NFD.
Maydkiisa ayaa lasoo wariyay in la geeyay cisbitaal maxalli ah oo kuyaal magaalada Wajeer, si baaritaanno loogu soo sameeyo, sirdoonka dowladda Kenya ayaa lagu eedeeyay in xildhibaanka ay ka afduubteen magaalada Nairobi, ugu dambayna laga war helay maydkiisa oo lasoo dhigay harada Yahud ee duleedka magaalada Wajeer.
Xildhibaankan ayaa ka mid ahaa xildhibaanno ka tirsan ismaamulka Wajeer oo si wayn uga hor yimid ansixinta miisaaniyadda sannadka 2024 oo 30-kii July la horgeeyay golaha baarlamaanka daaquudka ah ee Wajeer, waxayna xildhibaannadaasi ku guuleysteen inay hoolka xaruntaasi ka saaraan xubnihii bajadka in loo ansixiyo doonayay.