Siyaasiyiin iyo xildhibaanno ka tirsan kooxda Riddada balse mucaaradsan siyaasadda Xassan Gurguurte ayaa abaabullo hubaysan ka wado magaalada muqdisho iyo duleedyadeeda.
Suuqyada hubka Muqdisho ayaa laga dareemayaa waxkala iibsi dhanka hubka ah oo aad usarreeya, xildhibaan Cali gaab oo ka tirsan xildhibaannada kooxda Riddada garabka Xasan Gurguurte, ayaa ku eedeeyay siyaasiyiinta mucaaradka ah in ay wadaan hub aruursi iyo abaabul ka dhan ah wax uu ugu yeeray qaranka oo uu ula jeedo kooxda Riddada.
Wararka ayaa intaas ku daraya in geerashyo kuyaal degmooyinka C/caziiz iyo xamarweyne lagu aruurinayo gaadiid tikniko ah iyo saanado hub ah kuwaas oo ay leeyihiin saraakiil horay xilal uga soo qabtay kooxda Riddada.
Murtad Xasan Gurguurte ayaa ka digay hub aruursiga ay wadaan saraakiil ay kamid yihiin shariif sheekh axmed iyo xasan cali kheyre oo horay usoo noqday madaxda ugu sarraysa kooxda Riddada.
Khilaafaadka u dhaxeeya murtadiinta ee ka dhashay arrimaha waxka bedelka dastuurka iyo muddo kordhintay ayaa sababay in dhinacyadu ay sii kala fogaadaan.