Waxaa sii xumaanaya Xiriirka u dhaxeeya dowladaha Pakistan iyo Mareykanka kadib markii Donald Trump uu si kulul uweeraray Xukuumadda Islamabad oo uu ku tilmaamay mid khiyaano badan.
Wararka ka imaanaya Pakistan ayaa sheegaya in kumanaan qof ay magaalada Karaaji ka dhigeen dibad baxyo ay ku diidanyihiin warka kasoo baxay Mareykanka waxayna ugu baaqeen dowladda Pakistan in ay xiriirka ujarto Mareykanka.
Dibad baxayaasha oo ku qeylinayay erayo ka dhan ah Mareykanka ayaa gubay sawirka Donald Trump, dhinaca kale dowladda Pakistan ayaa uyeertay safiirka Mareykanka oo ay su’aalo ka weydiisay warka kasoo baxay Trump.
Madaxda Labadan dowladood ayaa mudooyinkii dambe dhanka warbaahinta isku weydaarsanayay Hadalo iyo Eedeymo kulul taasi oo mujineysa inuu sii xumaanayo xiriirkii ka dhaxeeyay Labadaasi dowladood oo ah dowlada horay ugu hishiiyay la dagaalanka diinta Islaamka iyo dadka Muslimiinta.