Wararka laga helayo dalka Maali ee Galbeedka Qaaradda Africa waxey sheegayaan in weerar lala beegsaday ciidamada Saliibiyiinta Faransiiska ee duulaanka ku joogta dalkaasi.
Weerarka ayaa loo adeegsaday qarax kaasi oo lala beegsaday kolanyo askar Faransiis ah waxaana jirta khasaara nafeet iyo mid hantiyadeed oo askarta Faransiiska kasoo gaartay qaraxaasi.
Dowlada Saliibiyadda Faransiiska oo qaraxan ka hadashay ayaa qiratay in Labo askari oo ka tirsan ciidamadeeda lagu dilay qaraxaasi askari kalane looga dhaawacay balse warar kale ayaa sheegaya in khasaaraha uu intaasi ka badanyahay.
Mas’uuliyadda weerarkan lagu dilay laguna dhaawacay askarta Saliibiyiinta Faransiiska waxaa mas’uuliyaddiisa sheegtay Mujaahidiinta Jamaacada U Gargaaridda Islaamka Iyo Muslimiinta oo ah Jameeco ka dagaalanta dalka Maali iyo dalalka dariska la ah waana Mujaahidiin Taabacsan Mujaahidiinta Al-qaacidah ee dhulka Bilaadul Magribil Islam.
Mu’asasada Az-zallaaqah oo ah garabka warbaahineed ee Jamaacada U Nusreynta Islaamka iyo Muslimiinta ayaa baahisay Bayaanka jamaacada ay ku sheegatay Mas’uuliyadda weerarkan,sidoo kale waxey Mu’asasada baahisay Bayaan kale oo Mujaahidiinta ay ku sheegteen weerar Labaad oo ciidamada Faransiiska lagula beegsaday deegaan dhaca dhanka Waqooy Galbeed ee dalka Maali.
Halkan Ka Booqo Boga Mu’asasada Az-zallaaqah Ee Telegramka.
Calamada.com