War qoraal ah oo kasoo baxay Mujaahidiinta Al-qaacidah gaar ahaan qeybta Magribul Islaam waxey ku sheegteen mas’uuliyadda weerar maalintii Arbacada ka dhacay gudaha dalka Maali.
Qoraalka ayaa lagu xusay in ciidamada Mujaahidiinta Al-qaacidah weerar la beegsadeen kolanyo ka tirsan ciidamada dowlada daba dhilifka dalka Maali oo ku socdaalayay qeybo ka mid ah dalkaasi.
Weerarka oo loo adeegsaday miinada dhulka lagu aaso ee meelaha fog laga hago ayaa lala beegsaday Kolanyo ku socotay wadada isku xirta Magaalooyinka Timbokto iyo Qandam oo ka wada tirsan dalka Maali.
Mujaahidiinta Al-qaacidah ayaa qoraalka ku cadeeyay in gabi ahaan qaraxaasi miino lagu burburiyay mid ka mid ah gaadiidka dagaalka ay wateen ciidamada dowlada Maali’waxaa sidoo kale qaraxaasi ku halaagsamay askartii la socotay gaariga ay miinada burburisay.
Halkan Hoose Ka Aqriso Qoraalka Mujaahidiinta Al-qaacidah Ee Bilaadul Magribil Islaam.
Calamada.com