Wararka ka imaanayo Dalka Yemen waxey sheegayaan in Mujahidinta Ansaaru Shareecah ay saacidihi lasoo dhaafay howl galo kala duwan ka fuliyeen gobolada Abyan iyo Albeydaa oo kala dhaca Bartamaha iyo Konfur Bari ee Yemen.
Howl galka Kowaad ayay Mujaahidiintu ka fuliyeen Mandiqada Amciin oo katirsan wilaayada Abyan, waxa uuna ahaa weerar toos ah oo lagu qaaday Saldhig ay deganaayeen askar katirsan maleeshiyada uu Imaaraatku tababaray ee loo yaqaan Xazaam Al-Amni.
War kooban oo Mujaahidinta Ansaaru Shareecah ay kusoo qoreen Baraha internetka ayay ku sheegtay in howl galka sidii loo qorsheeyey uu u dhacay, laguna dilay tiro askar ah, sido kalena lagu dhaawacay kuwa kale oo gabi ahaantooda ah Maleeshiyaatka Xazaam Al-amni.
Bartilmaameedka Mujaahidinta ayaa ahaa Saldhig Cakad oo ku yaala Mandiqadda Amciin, waxaana la xaqiijiyey in goobta ay ku dhinteen labo askari, sidoo kalena ay ku dhaawacmeen tiro ka badan Toban askari.
Dhanka kale Mujaahidintu waxay weerar loo adeegsaday miino dhulka lagu aasay la beegsadeen Askar katirsan maleshiyaadka shiicada Xuuthiyiinta ah ee ka dagaalamo wadanka Yemen.
Qaraxa ayaa ka dhacay Mandiqada Makiraas oo katirsan gobolka Albeyda ee dhaca bartamaha Dalka Yemen, waxaana lala beegsaday askar katirsan Xuuthiyiinta oo isku dayay inay miinada Furfuraan.
Inta la xaqiijiyey ilaa Saddex ka tirsan Maleshiyaadka Xuuthiyiinta ayaa ku dhintay halka qaraxu uu ka dhacay, waxaana la sheegayaa inay jiraan tiro kale oo Xuuthiyiinta looga dhaawacay qaraxaasi.
Ilo ku dhow dhow Xuuthiyinta ayaa xaqiijiyey inay jiraan dhaawacyo ka dhashay qaraxa ka dhacay mandiqada Makiras ee ka tirsan gobolka Albeydhaa, kuwaas oo ay sheegeen in xaaladooda ay aad u liidato.
Mujaahidiinta Ansaaru Shareecah oo ah Mujaahidiinta fuliyay Weerardan ayaa ah Mujaahidiin taacbasan Faraca Mujaahidiinta Al-qaacidah ee dhulka Jaziiradda Carabta.