Wararka ka imaanaya waddanka Pakistan ayaa sheegaya in howlgal Istish-haadi ah oo ay fuliyeen mujaahidiinta Daalibaan Pakistan lagu beegsaday saldhig ciidan oo kuyaal waqooyi galbeed waddanka Pakistan.
Saraakiil ka tirsan ciidanka xukuumadda Riddada ayaa xaqiijiyay in camaliyadda istish-haadiga ah oo loo adeegsaday gaari wayn oo miinaysan lagu dhuftay saldhigga ciidanka booliska ee mandiqadda Dayra Ismaaciil Khan oo ka tirsan gobolka Khyber Pakhtunkhwa, halkaasna lagu dilay labaatameeyo askar ah oo ku sugnaa gudaha xeradaasi.
Sarkaal ka tirsan ciidanka Riddada Pakistan oo la hadlay wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegay in weerarkaasi Istish-haadiga ah ay ku dhinteen ugu yaraan 24 xubnood, inka badanna ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo uu sheegay in xilliga ay weerarka la kulmeen ay badi hurdayeen.
Masuuliyadda howlgalkan Istish-haadiga ah oo uu barbar socday dagaal toos ah waxaa sheegatay xarakada Al-jihaad, oo ah jamaaco taabacsan xarakada Taliban Pakistan ee jihaadka kula jirta xukuumadda Riddada ah ee Islaama-baad.