Tan iyo Markii Saddex Todobaad ka hor Imaarada Islaamiga Afghanistan ay ku dhawaaqday Xamlo dagaaleedka Xilliga Gu’ga ee Sanadka Al-khandaq ayaa waxaa si is daba jog ah isa soo taraya guulaha ay gaarayaan ciidamada Mujaahdiiinta Dhaalibaan.
Maalmihii lasoo dhaafay waxey ciidamada Mujaahdiiinta Imaarada Islaamiga Afghanistan dagaallo xoogan kula wareegtay ilaa iyo Todobo degmo oo istiraatiiji ah kuwaasi oo ay kala wareegtay maleeshiyaatka maamulka Daba dhilifka Kaabul.
Degmooyinka ay la wareegtay Imaarada Islaamiga ayaa kala ah
1-Degmada Qalcah-zaal oo ka tirsan Wilaayada Qunduuz.
2-Degmada Kohistan oo ka tirsan Wilaayada Badkhashan.
3-Degmada Taalah Wa Barfak oo ka tirsan Wilaayada Baglan.
4-Degmada Baltrag oo ka tirsan Wilaayada Faryab.
5-Degmada Darah Boom oo ka tirsan Wilaayada Badagis.
6-Degmada Jegeto oo ka tirsan Wilaayada Gazni.
7-Degmada Ajaristan oo ka tirsan Wilaayada Daykande.
Todobadan magaalo ee ay la wareegeen ciidamada Mujaahdiinta Dhaalibaan ayaa ah degmooyin ku kala yaala Waqooyga,Bariga iyo Bartamaha dalka Afghanistan,waxeyna Furashada magaalooyinkan muujinayaan xowliga uu ku socda howlgalka Al-khandaq iyo jabka xoogan ee ay wajahayaan ciidamada Kufaarta Mareykanka iyo kuwa Murtadiinta Afghanistan.
Calamada.com