Bayaan kasoo baxay Mujaahidiinta Al-Qaacida ee Jaziiratul Carab ayaa looga tacsiyeeyey istish-haadka Sheekh Muxamad Mire Jaamac, waaligii Wilaayaadka Islaamiga ee uu dhawaan Maraykanku ku dilay duqeyn diyaaradeed oo ka dhacday duleedka Deegaanka Kuunyo-Barrow ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Furfurasho iyo istiftaax kadib waxaa bayaanka lagu yiri: “ Waxaan si gaar ah walaalaheena jooga Soomaaliyada adkeysiga badan iyo guud ahaan Umadda muslimka ah uga tacsiyeyneynaa istish-haadkii waaligii Wilaayaadka Islaamiga Soomaaliya Sheekh Muxamad Mire Jaamac, kaasoo baxay duqeyn dhagreysan oo uu Maraykanku Soomaaliya ka fuliyay, waxaana Allaah weydiisaneynaa in sheekha iyo anaguba nagu kulmiyo Jannooyinka sareeya, anagoo la jirna Anbiyada, Siddiiqiinta, Saalixiinta iyo Shuhadada. Waxaan kaloo Alle weydiisaneynaa in annaga iyo walaalaheena Mujaahidiinta ahba weyneeyo ajarkeena, umadda muslimka ahna ugu bedelo wax wanaagsan” ayaa lagu yiri bayaanka taczida ah ee kasoo baxay Mujaahidiinta Al-Qaacida ee Jaziiratul Carab.
Waxaa uu intaa kusii daray bayaanka: “ Wuxuu Sheekhu ku noolaa nolol wanaagsan, oo ay ka buuxdo u adeegidda diinta iyo u nusreynta qadaayaatka Umadda, taasoo dhirirsan inkabadan 40 sano, waana siiro udgoon badan, oo ay ka buuxaan manaaqib iyo ma’aathir ay ku faani karto Umadda muslimka ah gaar ahaan Shacabka Soomaaliyeed”.
“ Inkastoo Sheekh Muxamad Mire Jaamac ahaa qof da’ ah hadana kama cudur daaran inuu raaco kolonyada Jihaadka, si uu u difaaco caqiidada Umadda, xurumaatkeeda iyo muqadasaatkeeda, bal dhalinyarada ayuu kula tartamaya fagaarayaasha Jihaadka, isagoo dhex jeexay goobaha geerida, illaa markii dambe ay ku dhacday duqeyn saliibi ah oo uu Maraykanku fuliyay, taasoo gaarsiisay billad sharafeedda ugu sareysa ee uu tamaniyay Nabi Muxammad Salla-llaahu caleyhi wasallam, billadaas oo ah Shahaadada wadada Alle, wuxuuna sheikh Muxamad Mire mudanyahay iney qudwo ka dhigtaan culimada isaga ka dambeysa oo ay uga daydaan in cilmiga lagu xiro dacwada iyo Jihaadka” ayaal agu yiri bayaanka kasoo baxay Mujaahidiinta Al-Qaacida ee Jaziiratul Carab.
“ Gar ayaad u leedihiin ehelkeena jooga Soomaaliyada aan jecelnahay inaad ku faantana shahiidkiina Sheekh Muxamad Mire, waa billad sharfeed aad idinku leedihiin iyo guud ahaan umadda Muslimka ah, howlaha ugu weyn ee uu sheekhu qabtayna waxaa kamid ahaa dadaalladii uu kubixiyay mideynta safka Muslimiinta, iyo heshiisiinta qabaa’ilka Soomaaliyeed, dadaalkaas ballaaran ayaana caqabad ku noqday mashaariicda cadowgeenna ee doonaya iney na kala qeybiyaan, dhexdeenana isku diraan, arintaas ayaana kordhisay carada cadowga, illaa markii dambe ay duqeyn ku beegsadeen” ayaa lagu yiri bayaanka tacsida ah ee kasoo baxay Mujaahidiinta Al-Qaacida ee Jaziiratul Carab.
“ Waxaan ku boorineynaa walaalaheena Mujaahidiinta iyo qabaa’ilka Soomaaliyeed ee dulmi-diidka ah iney qaadaan dhabihii Sheekh Muxamad Mire, oo ay xoojiyaan xiriirka walaaltinimada ee u dhexeeya, dhiiga sheekhana uu noqdo ileys ku riixa iney mideeyaan safkooda, iyo holac sababa in cadowga Alle laga aarguto, muslimiinta oo dhamina waxaan ugu baaqeynaa iney ku daydaan sheekhan sharafta badan, si gaar ahna culimada waxaan ugu boorineynaa iney usoo nafiiraan saaxaatka Jihaadka, si sheikh Muxamad Mire gadaashiis ay u qaadaan raayada, firaaqa jirana u buuxiyaan” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay Mujaahidiinta AlQaacida ee Jaziiratul Carab.