Dagaallo xooggan oo u dhaxeeyay ciidamo ka tirsan mujaahidiinta iyo maleeshiyaadka kooxda Riddada Soomaaliya ayaa maanta ka dhacay bacaadka Faarax Aadan ee dhaca duleedka degmada Xarardheere ee wilaayada Mudug, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal culus oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.
Saraakiil ka tirsan ciidamada mujaahidiinta ayaa Andalus u xaqiijiyay in dagaalkaasi lagu jabiyey maleeshiyaad murtadiin ah oo dhaqdhaqaaqyo ciidan waday, halkaas na Allaah fadligiis looga dilay murtad ashahaada la dirir ah oo lagu magacaabi jiray Daa’uud Xirsi Eelaay, halka sidoo kale looga dhaawacay saddex kale oo laba ka mid ah lagu kala magacaabo Jacbur Buuni iyo Cabdifataax Salaad Jilibeey.
Ma ahan markii ugu horraysay oo dagaallo ka dhaca bacaad Faarax Aadan ee dhaca duleedka degmada Xarardheere lagu jabiyo maleeshiyaadka murtadiinta, bilooyin ka hor dagaallo bacaadkan ka dhacay waxaa lagu laayay saraakiil ciidan oo murtadiin ah iyo horjoogeyaal Macawiiley murtadiin ah, iyo maleeshiyaad badan, waxaana saraakiishii ugu caansanaa ee bacaadkaasi lagu dilay ka mid ahaa, (1) Cumar Cabdullaahi Ciidle oo ahaa horjooge macawiisley ah iyo (2) Maxamed Cabdullaahi Xuseen Cabdi oo ahaa sarkaal ciidan oo ka tirsanaa maleeshiyaadka Riddada.