Ciidamada guutada madaafiicda mujaahidiinta Al-shabaab ee ka howlgala wilaayada Sh/hoose waxay howlgal culus oo madaafiic ah ku qaadeen saldhigga ciidamada saliibiyiinta Yugaandha ay kaga suganyihiin deegaanka Golweyn ee wilaayada Sh/hoose.
Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa xaqiijiyay in madaafiicda ay ku dhaceen gudaha xerada, waxayna taasi keentay Cabsi xooggan oo soo wajahday ciidamada Kuffaarta ee ku sugan xerada, Ciidanka Uganda weerarka ka dib waxaa la xaqiijiyay inay gaadiidka xerada u yaal ay wada kiciyeen iyagoo doonayay in la baxsadaan ka dib markii ay weerarka moodeen in uu yahay mid cag marin ah lagu soo qaaday xeradooda.
Dhanka kale waxay ciidanka mujaahidiintu saacadihii lasoo dhaafay dagaal culus ku qaadeen xerada maleeshiyaadka murtadiinta xero Koowaad ee degmada Diinsoor ee wilaayada Baay, lama soo werin haddii uu jiro khasaare nafeed iyo mid hantiyeed oo gaaray murtadiinta.