Ciidamada guutada madaafiicda ee Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab waxay howlgal culus oo madaafiic ah ku qaadeen saldhigga ciidamada saliibiyiinta Maraykanka ee Balli-doogle ee kuyaal Sh/hoose.
Saraakiil ka tirsan ciidamada mujaahidiinta oo la hadlay Andalus waxay xaqiijiyeen in howlgalka madaafiicda uu sidii loogu talagalay u beegsaday gudaha saldhigga saliibiyiinta Maraykanka ee Balli-doogle, waxaana jira khasaare kala duwan.
Saacadihii lasoo dhaafay ayay ahayd markii mujaahidiintu madaafiic ku garaaceen xerada Xalane oo ah taliska ugu weyn ee ay saliibiyiinta ku leeyihiin magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, madaafiicdu waxay ku dhaceen gudaha xerada, waxaana jirta khasaara ka dhashay duqeyntaas.