Ciidanka guutada madaafiicda ee Xaakada Mujaahidiinta Al-shabaab ayaa howlgal qorsheysan oo madaafiic ah ku garaacay saldhigga ciidamada xabashida Itoobiya ay ka degganyihiin degmada Waajid ee ka tirsan wilaayada Bakool, waxaana la xaqiijiyay in dhowr madfac ay ku dhaceen gudaha saldhigga xabashida.
Isla wilaayada Bakool waxay ciidamada mujaahidiintu weerar abaabulan oo toos ah ku mireen saldhigga murtadiinta ee degmada Waajid, dagaal culus oo u dhaxeeyay ciidamada mujaahidiinta iyo maleeshiyaadka murtadiinta ayaa ka dhacay gudaha saldhiggaas.
Dhanka Sh.dhexe waxay ciidamada mujaahidiintu dafaal culys ku qaadeen xerada ciidamada kuffaarta Burundi ay ka degganyihiin Buundada deegaanka Xawaadley, waxaana la xaqiijiyay in weerarkaasi ay ku dhaawacmeen 2 askari oo murtadiin ah, halka sidoo akel uu dab qabsaday dhowr teendho oo kuffaarta ugu dhex yiilay xerada.
Dhanka Gedo, waxay ciidamada mujaahidiintu weerar culus kala duldhceen xerada maleeshiyaadka Riddadu ay kaga suganyihiin Baraxow oo ka tirsan degmada Baardheere.