Duqaymo xooggan oo loo adeegsaday madaafiic ayay Mujaahidiintu ku qaadeen saldhigyada maleeshiyaadka Ridada ee deegaanka Sabiid ee dhaca duleedka degmada Afgooye ee Sh/hoose iyo midka degmada Xarardheere ee dhacda wilaayada Mudug ee bartamaha Soomaaliya.
Weerarka madaafiicda ah ee lagu qaaday saldhigga maleeshiyaadka Riddada ee deegaanaka Sabiid waxa la xaqiijiyay in ay ku dhaawacmeen 4 askari oo murtadiin ah halka uu sidoo kale gubtay gaari Qooqan ah oo murtadiinta u dhex yiillay gudaha xerada.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in duqaynta ka dib ay xerada kasoo baxeen maleeshiyaad murtadiin ah waxayna kusoo dhaceen weerar culus oo ay Mujaahidiintu u diyaariyeen waxaana la xaqiijiyay in uu jiro khasaare culus la gaarsiiyay maleeshiyaadka Riddada.
Dhanka kale qaraxyo 2 ah ayay mujaahidiintu saacadihii lasoo dhaafay ku weerareen fariisin ciidan oo maleeshiyada Riddada ay kaga suganyihiin degmada Cabdicasiis ee magaalada Muqdisho.
Dhanka wilaayada Jubbooyinkana waxay mujaahidiintu kammiin u dhigeen kolonyo maleeshiyaad murtadiin ah oo ku socdaalayay inta u dhaxaysa deeegaanka Baar-sanguuni iyo buundada Daariq ee duleedka magaalada Kismaayo, dagaal culus ayaa dhanka kale lagu ekeeyay xerada maleeshiyaadka Riddada ee deegaanka Baarsanguuni.
Ciidamada mujaahidiinta ee ka howlgala wilaayada Baay waxay weerar qorsheysan ku qaadeen xerada murtadiinta ee deegaanka Goof-gaduud Buurey ee hoostaga magaalada Baydhabo, waxaana dagaalkaasi la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.