Ciidamada mujaahidiinta ee ka howlgala Jubbooyinka, waxay maanta howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen meel u dhow magaalada Dhoobley, kusoo qabteen askari ka tirsan maleeshiyada maamul goboleedka ashahaada la dirirka ah ee Jubbaland, kaasi oo ahaa mid aad u dhibi jiray dadka socotada ah.
Howlgalkan gaarka ah, waxay si gaar ah ciidamada mujaahidiintu uga fuliyeen isbaaro maleeshiyaadka murtadiinta u tiillay deegaan dhaca magaalada Dhoobley ee gobolka Jubbada hoose, waxayna mujaahidiintu gacanta ku dhigeen askarigan iyo qori uu ku hubeysnaa oo uu dadka musaafiriinta ah ku baadi jiray.
Dhanka kale, waxay ciidamada mujaahidiintu saacadihii lasoo dhaafay weerar culus ku mireen saldhig ciidan oo ay maleeshiyaaka murtadiinta ee ay tabobaratay dowladda saliibiyadda Kenya kaga sugnaayeen meel u dhaw deegaanka Kaambooni ee dhaca xad beenaadka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya.
Weerarkan lagu miray saldhigga ay ku sugnaayeen maleeshiyada murtadiinta ee hoostaga saliibiyiinta Kenya, waxaa inta la xaqiijiyay lagu dhaawacay hal askari oo murtad ah, howlgalladan ayaana qayb ka ah weerarada barakaysan ee ay bishan barakaysan ee Ramadaan mujaahidiintu ku beegsanayaan saliibiyiinta iyo maleesiyaadka murtadiinta ee usoo hub qaatay dagaalka ka dhanka ah shareecada islaamka.