Markale diyaarad Nuuca basaaska ah oo uu Mareykanku leeyahay ayaa kusoo dhacday deegaan dhaca Koonfurta dalka Soomaaliya.
Ciidamada wilaayada Islaamiga Sh/hoose ayaa gacanta ku dhigay diyaarad Drone ah xilli ay falal basaasnimo ka wadday duleedka garoonka diyaaradaha Balidoogle oo saldhig weyn ay ku leeyihiin ciidamada Mareykanka.
Diyaaraddan oo ay ku rakibanyihiin Kaamirooyinka wax lagu basaaso ayaa dhacday xilli ay dul heehaabaysay deegaan ay gacanta ku hayaan ciidamada Shabaabul Mujaahidiin.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in dagaalyahannada Jihaadiga ah ay burburka diyaaradda ula dhaqaaqeen goob ammaan ah iyagoona ka furay kaamirooyinkii ku xirnaa.
Diyaaradda ayaa xilligii ay soo dhacaysay ilaalo ka haysay saldhigga ciidanka American-ka ee garoonka Balidoogle.
Waa diyaaraddii labaad ee ciidanka Mareykanka ugasoo dhacda Koonfurta dalka Soomaaliya tan iyo markii uu dhacay weerarkii deegaanka Janaay Cabdalle.
Isbuucii lasoo dhaafay ayay aheyd markii diyaarad aan duuliye lahayn ay sidaan oo kale ugusoo dhacday meel ku dhow saldigga ciidanka Mareykanka ee garoonka diyaaradaha Kismaayo.
Halkan Hoose Ka Daawo Sawirrada Diyaarada.
Ma sha allah allah haidin barakeeyò