Ciidamo ka tirsan guutada Istish-haadiyiinta mujaahidiinta ayaa caawa howlgal culus oo inqimaasi ah ka billaabay xarun kutaal degmada Cabdicasiis ee magaalada Muqdisho. halkaas oo lagu beegsaday saraakiil murtadiin ah oo ku sugan xarunta.
Taliska ciidanka ee Xarakada Shabaabul mujaahidiin ayaa si horudhac ah u sheegay in howlgalka uu ka socdo halka lagu magacaabo Pearal beach oo kutaal degmada Cabdicaziiz ee Muqdisho.
Hoos Ka Akhriso Xogta Horudhaca ah ee Taliska Ciidanka.
Ciidamada Mujaahidiintu waxay cawada fiidkii saacadu markii ay ahayd 8:00pm hawlgal qorshaysan oo inghimaasi ah ka billaabeen xarunta lagu magacaabo Pearal beach ee degmada Cabdi caziiz ee magaalada Muqdisho. Xarunta ay mujaahidiintu hawgalka ka wadaan ayaa ah goob ay ku caweeyaan saraakiil ka tirsan kooxda ridada ah, kuwaas oo kaalin weyn ku leh dagaalka ka dhanka ah shareecada Islaamka iyo boobka dhaqaalaha Ummada Soomaaliyeed ee Muslimka ah.
Ciidamada Mujaahidiinta ee hawlgalka ku jira waxaa u suurtagashay inay gudaha u galaan xarunta Pearal beach halkaas oo ay si buuxda gacanta ugu hayaan.
Wixi faafaahin ah ee ku saabsan hawlgalkan socda dib ayaan ka gudbin doono insha-Allaah.