Ciidamada mujaahidiinta ee ka jihaada wilaayada Banaadir waxay saacadihii lasoo dhaafay howlgal culus oo qarax ah la beegsadeen maleeshiyaad murtadiin ah oo ku sugnaa halka loo yaqaan Tabeellaha Sheikh Ibraahim ee dhaca duleedka magaalada Muqdisho, lama helin xog dheeraad ah oo ku aadan khasaraha ka dhashay qaraxan.
Dhanka Sh/hoose, waxay ciidamada mujaahidiintu howlgal qarax ah la beegsadeen maleeshiyaad ka tirsan Riddada oo ku socdaalayay gudaha degmada Afgooye, waxaa qaraxaasi ku dhintay hal askari oo murtad ah, halka mid kalena uu ku dhaawacmay.
Sidoo kale waxay ciidamada mujaahidiintu saacadihii lasoo dhaafay dagaal culus ku qaadeen saldhigyada ciidamada kuffaarta Afrikaanta ee degmada Jannaale iyo deegaannada kala ah Laanta-buure iyo No/60, waxaana xeryahaasi ka dhacay dagaallo culus oo la isku adeegsaday hubka noocyasdiisa kala duwan.
Goobaha ay ciidamada mujaahidiintu weerarada ku mireen waxaa ka mid ah saldhigyada murtadiinta ee magaalada Marka iyo degmada Jannaale, halkaas oo dagaallo in muddo ah socday uu ku dhexmaray ciidamada mujaahidiinta iyo maleeshiyaadka Riddada.
Dhanka soohdin beenaadka u dhaxaysa wilaayada Jubbooyinka iyo dhulalka muslimiinta ee ay xoogga ku haystaan saliibiyiinta Kenya, waxay ciidamada mujaahidiintu ku weerareen xerada ciidanka Saliibiyiinta Kenya ee duleedka deegaanka Kaambooni, lama helin xog faahfaahsan oo ku aadan weerarkaasi.