Ciidamada mujaahidiinta ee ka howlgala wilaayada Galgaduud ayaa maanta si buuxda ula wareegay gacan ku haynta deegaanka Budbud ee dhaca wilaayada Galgaduud, halkaas oo ay duullaan ashahaada la dirirnimo ah kusoo qaadeen ciidamo huwan ah.
Ilo wareedyo deegaanka ah ayaa soo sheegay in ciidamo ka tirsan mujaahidiinta oo ku hubeysan hubka noocyadiisa kala duwan ay gudaha u galeen deegaanka Budbud lana wareegeen gacan ku haynta deegaankaasi, kaddib markii ay halkaasi isaga carareen maleeshiyaadkii Riddada ee duullaanka kusoo qaaday.
Dhanka kale waxay ciidamada mujaahidiinta weerar kammiin u dhigeen maleeshiyaad murtadiin ah, kuwaas oo ku socdaalayay duleedka deegaanka Budbud, waxaana inta la xaqiijiyay weerarkaasi lagu dilay 2 askari oo murtadiin ah.
Waxay sidoo kale ciidanka mujaahidiinta ee ka jihaada isla wilaayada Galgaduud weerar ku qaadeen maleeshiyaadka Riddada ee ku sugan degmada Wabxo, weerarkan waxaa murtadiinta looga dilay ugu yaraan 1 askari, waxay ciidanka mujaahidiintu ka qaniimeysteen qorigii uu watay murtadkaasi.