Guutada madaafiicda Mujaahidiinta ee ka howlgala magaalada Muqdisho waxay maanta madaafiic ku garaaceen xarunta booliska Riddada ee magaalada Muqdisho, halkaas oo ka mid ah xarumaha aadka loo ilaaliyo ee kuyaal caasimadda Soomaaliya.
Saraakiil ka tirsan ciidamada Mujaahidiinta ayaa idaacadda Andalus u xaqiijiyay in madaafiicda qaar ay ku dhaceen gudaha xarunta, halka sidoo kalena madaafiicda qaarkoodna ay ku dhaceen Bar Control oo laga ilaaliyo xaruntaasi taliska u ah maleeshiyaadka Riddada ee loogu yeero Booliska.
Madaafiicda ay maanta Mujaahidiintu ku garaaceen xarunta booliska Riddada gobolka Banaadir ee Muqdisho waxaa la xaqiijiyay inay ka dhasheen khasaare kala duwan oo isku jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray maleeshiyaaka Booliska Ridada ee ku sugnaa xaruntaasi ciidan.