Ciidanka guutada madaafiicda mujaahidiinta ee ka jihaada wilaayada Banaadir ayaa weerar culus oo madaafiic ah ku qaaday mid ka mid ah xarumaha aadka loo ilaaliyo ee kuyaal magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, halkaas oo ah xerada TurkiSom.
Saraakiil ka tirsan ciidanka mujaahidiinta ayaa xaqiijiyay in madaafiicda oo ahaa kuwa la qorsheeyay ay ku dhaceen gudaha xarunta, howlgalkan ayaana qayb ka ah howlgallada fariidka ah ee ay mujaahidiintu ku beegsanayaan xarumaha muhiimka ah ee kuyaal caasimadda Muqdisho.
Saacadihii lasoo dhaafay ayay ahayd markii ay ciidamada mujaahidiintu dagaal culus ku qaadeen xerada Kuliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho, halkaas oo talis weyn u ah maleeshiyaadka murtadiinta, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal culus oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.