Ciidamada mujaahidiintu, waxay caawa weerar culus oo madaafiic ah ku mireen xerada ciidamada kuffaarta Itoobiya ay kaga suganyihiin degmada Halgan ee dhacda bariga wilaayada islaamiga ah ee Hiiraan.
Qaar ka mid ah madaafiicda mujaahidiinta waxay gudaha u galeen saldhigga, waxayna sababtay in qeybo ka mid ah xerada Itoobiyaanka ee degmada Halgan ay gubato, waxaana jira khasaare soo gaaray ciidanka xabashida Itoobiya ee halkaasi ku sugan.
Dhanka Jubbooyinka, waxay ciidanka mujaahidiintu howlgal qarax ah la beegsadeen maleeshiyo murtadiin ah oo ku sugnaa deegaanka Wirkoy ee dhaca duleedka magaalada Kismaayo, waxaana qaraxaasi inta la xaqiijiyay ku dhintay 4 askari oo Riddada ka tirsan.