Ciidanka guutada qaraxyada mujaahidiinta ee ka howlgala wilaayada Sh/hoose, waxay howlgal barakaysan oo qarax ah ka fuliyeen degmada Afgooye, waxaana qaraxan lagu beegsaday maleeshiyaad murtadiin ah oo ku sugnaa gudaha degmadaas.
Saraakiisha ciidamada mujaahidiintu waxay Andalus u xaqiijiyeen in howlgalkan qaraxa ah uu si gaar ah uga dhacay goob ay ku kulansanaayeen maleyshiyaadka murtadiinta, waxaana inta la hubiyay Allaah fadligiis howlgalkan qaraxa ah ku dhawaacmay laba askari.
Howlgalkan ayaa kusoo beegmaya xilli Afgooye ay marti gelinayso howlgallo gaar ah iyo weeraro toos ah oo siyaabo kala duwan loogu beeganayo maleeshiyaadka murtadiinta, dhanka kale howlgalkan qaraxa ah ayaa kusoo beegmaya xilli saacadihii lasoo dhaafay ciidamada mujaahidiintu weerar toos ah ku qaadeen xerada saliibiyiinta Yugaandha ee deegaanka Number 60.